NIN SHAAH CAB JECEL !!
Nin da’ dhexaad ah, reer magaalnimo ka muuqato oo xash-xashaashaya ayaa xilli casar ah makhaayad soo galay.
Wiilkii makhaayadda ka shaqaynaayey ayuu ka dalbaday saddex koob oo shaah ah, caddaysan, sonkor badan oo kor iyo hoos ah (buux-dhaafsan).
Sida la fili karo wiilkii wuxuu u qaatay in ninka lala socdo. In yar ka dib, shaahii ayuu u keenay. Mar dambe ayaa wiilkii soo jeedaaliyey ninkii. Inuu keligiis yahay, koobabkii shaahana marba mid kabanayo ayuu arkay. Yaab ayaa wiilkii loo keenay illayn tan oo kale hore uma ay soo marine. Intuu ninkii u yimi ayuu weydiiyey sababta u geysey inu saddex koob oo shaah ah isku mar wada dalbado oo wada cabbo.
Ninkii oo si deggan ugu jawaabaya ayaa wiilkii ku yidhi, “Saddex walaalo ah ayaannu nahay oo shaaha aad u jecel. Waxaannu ku ballannay oo isku dhaarsannay in haddii midkaayo shaah dalbado uu labada kale ee maqanna u cabbo. Sidaas baad ku aragtay inaan saddex shaah ah isku mar cabbayo.”
Wiilkii shaqadiisii ayuu ku jeestey isagoon wax kale ninkii sii weydiin. Muddo ka dib ayaa isla ninkii makhaayaddii yimi oo shaah ka dalbaday. Markanse laba koob keliya ayuu dirsaday. Wiilkii oo weli makhaayaddii ka shaqaynaya ayaa arkay ninkii oo xasuustay maalintii ugu dambeysey inuu ahaa kii saddex koob ee shaaha ah isku mar ka wada laacay. Inuu maanta laba keliya ku eg yahay ayuu u qaatay in saddexdii walaalaha ahaa midkood xaggii loo badnaa ee aakhiro u kacay.
Intuu ninkii u yimi ayuu si naxariis badani ka muuqato ku yidhi, “Waan ka xumahay in labadii walaalahaa ahaa midkood xijaabtey ee samir iyo iimaan Illaahay ha kaa siiyo.” Ninkii ayaa kor u dhugtay wiilka oo isagoon wax naxdin ah iyo murugo toonna ka muuqan ugu jawaabay, “Maya. Cid naga dhimatay ma jirto. Saddexdayadiiba waa nool nahay oo waannu caafimaad qabnaa. Inta keliya ee soo korodhay waxay tahay aniga ayaa shaahii iska daayey oo labadoodii u cabbaya.
W/Q: Siciid Jaamac Xuseen
Email: sjx2005@hotmail.co.uk